Jihaadiistayaal Somali-British ah oo la xasuuqay

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 60 Jihadistayaal British oo ku biiray Dagaalamayaasha Daacish ayaa lagu dilay dalalka Iraq iyo Syria.

Dadkaasi ayaa qeyb ka ahaa 700 Jihadistayaal British oo ku biiray Daacish tan iyo sannadkii 2012-kii.

Wargeyska Dail Mail ayaa qoray inay Jihadistayaasha ku geeriyoodeen dagaal iyo Is-qarxin., waxaana ka mid ah Saddex nin oo asal ahaan Soomaali ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jirey Abdu Abdullahi Alxabashi, Abu Djarda Al-somali iyo Abu Musa Al-somali.

Raggaasi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay gudaha dalka Syria.

Sidoo kale, Wargeyska waxa uu qoray in bishii November ee sannadkii hore ahayd bishii ugu dhimashadda badnayd Muwaadiniinta British ee ku biiray Daacish iyo Maleeshiyooyinka Jabhatul-nusra iyo Free Syrian Army.

Xoghayaha Gaashaandhigga Britain, Michael Fallon ayaa dhawaan sheegay inay Xukuumadiisa garwaaqsatay in duqeyn lala beegsado deegaannadda ay Daacish kaga xooggan yihiin dalka Syria.

Waxa uu intaasi ku daray in duqeynta la kordhin doono, kadib, markii 30 Dalxiisayaal British bishii hore lagu dilay dalka Tunisia.

Diyaaradaha Dagaalka ee Boqortooyadda Britain ee RAF ayaa la sheegay inay qaadeen in ka badan 300 oo duqeyn ah oo lala beegsaday goobaha ay Daacish ka joogaan dalka Syria.

Xukuumadda British waxay kaloo qorsheynayaan inay 100 Askari u diraan dalka Syria, si ay ugu biiraan Ciiddanka Gaarka e Maraykanka ee dagaalka qarsoon kula jira Kooxda Daacish.

ISHA: Dail Mail

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com