Daciifnimada madaxweyne XASAN Sheekh: Afar SU’AAL ma weydiin kari waayey PUNTLAND? !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa xishood darro iyo wax laga yaqyaqsiyoodo in Axmed Madoobe iyo Cabdi Weli Gaas ay manta qabyaalad darteed isku baheystaan kadib 25 sano oo Soomaalida ay qabiil dartiis isku dilleysay. Waxaa ayaga kasii darran dhammaan dadka ay madaxda u wada yihiin oo laga waayey tiro yar oo maskax saliim ah adeegsata oo tiraahdo “Aan isku xishoono, oo qabyaaladda aan kicineyno aan joojinno”.

Kuwaas oo dhan waxaa shan farood dheer madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo raali ka ah in dad qabyaaladi ay dillootay uu qabiil ahaan ula xaajoodo, haddana ay tahay wax ayaga u gaar ah, oo Xasan Sheekh marnaba uusan la xaajoon qabaa’ilo kale.

Waxaa Xasan Sheeku daciifnimo u ah in maamul goboleedyo qabyaalad isugu tegey in la baryo oo la aqoonsado.

Waxaa yaab leh, oo in la is-weydiiyo mudan.

1 – Jubaland iyadu halkee ka talisaa?. Axmed Madoobe oo aan Kismaayo dhaafi karin, ayaa loola macaamilayaa sida nin xukuma saddex gobol oo kale.

2 – Dastuurka ay ku naanaabayso Puntland iyadu maku dhaqantaa?, Hal tusaale, Dastuurka waxa uu dhigayaa in ilaha dhaqaalaha sida garoomada diyaaradaha iyo dekedaha ay maamuleyso dowladda dhexe, Puntland taas ma ogoshahay?

3 – Haddii gobol iyo bar lagu sunto sidee maamul-goboleed ku noqonayaa hadhoow. Dastuurka ayaa dhigaya in wixii ka badan laba maamul iyo bar ka badan ay maamul noqon karaan. Waa gar haddii ay dastuurka UNDP bedelaan ama ay Mudug laba gobol ka dhigaan. Soo qalad noqon meyso in gobol loo kala gooyo qaab qabiil. Hadii ay Puntland taas ka fuqi waydo, soo noqon meyso in Hawiye iyo Raxanwayn ay dhulalkooda kasoo goosan doonaan qabiillada kale kadibna uusan jiri doonin wax Jubaland la yiraahdo.

4 – Arrinta ugu weyn ee ugu yaabka badan ayaa ah, sababta Jubbland soo dhex gelisay arrinta Puntland iyo Galmudug?. Gobol kasta wixii dowlada kala dhexeeya kaligii ha kala xaajoodo, balse in laba arrin oo aan is-lahayn la isugu qabto qabyaalad darteed waa daciifnimo ka timid Xasan Sheekh.

Dowladda Soomaaliya waa inay diidaa wax kasta oo qabyaalad iyo ka badbadis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com