DF oo qorsheneysa inay kasbato xildhibaanadii..

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan xog hoose ku helnay qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii habeenkii sabtida ee la soo dhaafay lagu qaaday Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ayaa asbuuca danbe loo qaadi doonaa dalka dibadiisa.

Mid ka mid ah ehalada xildhibaanada dhaawacan ee la qaadi doono ayaa noo xaqiijiyay in dhaqaalaha ku baxaya safarkaan ay bixin doonto DF Somalia madaama xildhibaanadu yihiin xildhibaano qaran.

Dalka Turkiga ama Imaaraadka Carabta ayaa loo qaadi doonaa dhaawacyadaan waxaana ka mid ah xidhibaanadaas Saciid daahir oo dhaawaciisu daran yahay.

Weerarkii lagu qaaday Hoteelada waxaa uu galaaftay nolosha ku dhawaad 20 ruux oo shacab iyo ciidan isugu jira,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad badan oo xildhibaano ay ku jiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com