Ciidamada DF oo dad isku qoys ah ku dilay Sh/ Hoose

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Bangarafta ay dad shacab ah ku weerareen duleedka magaalada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday Beer ku taalla banaanka magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Beeraley ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ciidamadu ay ku dileen illaa 6 Qof oo la sheegay inay isku Qoys ahaayeen.

Sidoo kale waxaa la’yahay nolo iyo geeri nin kale oo sugnaa Beerta uu weerarku ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada fuliyey weerarkaasi ayaa ka soo baxay saldhig Milatari oo ay ku leeyihiin deegaanka Bali-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Illaa iyo hadda lama oga sababta loo laayey dadkaasi rayidka ah, balse marar badan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dad shacab ah ku dilay gobolka Sh/ Hoose.

Dhacdadii ugu xooganeyd ayaa 25-kii August 2017-kii ka dhacday deegaanka Bariire, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Ajaaniib ah ay ku dileen illaa 10 Qof oo rayid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com