Guddiga uu magacaabey FARMAAJO waa ihaano – Faallo uu qoray xildhibaan

“Soomaaliland waa ayo, yaase ka mid ah?”

Maadaama dadka waqooyiga Soomaaliya ku dhaqan ayna wada ahayn Soomaaliland ama ayna isku raacsaneyn iney ka go’aan Soomaalida inteeda kale, xukuumadda Farmaajo kuwee la fureysaa wada hadalka ay guddiga u magacawdey? Ma kuwa wax ka tirsanaya Soomaali inteeda kale ee ah kooxda gooni u goosatada ah qabiilka kali ah, mise kuwa ku naaloonaya midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee Soomaali weyn wax dhibaato ah aan ka sheeganeyn?

Miyaaney ku habooneyn in dadyowga midnimada jecel sida Makhir, SSC iyo Awdal iney xukuumaddu aqoonsato? Mise xukuumadda Farmaajo waxay shacabka midnimo doonka ah u sadqeyneysaa kooxda yar ee goonigoosatada ah, si ay danaheeda u gaarto?

Ilaa sannadkii ay kooxda reer Hargeysa, Burco iyo Berbera ay ku dhawaaqeen gooni-isu-taagga, isimada degaannada SSC, Maakhir iyo Awdal waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen iney xukuumadihii Soomaaliya iyo dawladaha caalamka u sheegaan in midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ahi ay tahay muqaddas aan laga gorgortami Karin.  Iyaguna ay Jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid yihiin oo aaney ku raacsaneyn kooxda sheegatey iney Soomaaliya ka go’een.

Waxa u dambeyey warsaxaafadeedkii dhowaan ay soo saareen Isimada beesha SSC ee dhulbahante iyagoo sii xoojinaya baaqyadoodii hore, kaas oo xukuumadda madaxweyne Farmaajo iyo aduunweynaha ay si cad ugu sheegeen in aanay ka mid ahayn Soomaaliland, isla markaana wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland qof ama koox ku matali kartaa gobollada SSC aaney jirin. Isagoo, habayaraatee wax tixgelin ah aan siinin arrimahii ay soo jeediyeen Isimada degaannada SSC, ayuu madaxweyne Farmaajo magacaabey Guddiga Qaran ee Dib-u-heshisiinta iyo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Guddiga uu magacaabey madaxweyne Farmaajo wuxuu ihaano ku yahay dhammaan dadka midnimo doonka ah ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaanna baaqii isimada gobollada SSC ee bishan horraanteedii. Kaas oo cod buuxa ay ku diideen arrimaha wadahadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland. Una sheegey Xukuumadda Federaalka in aanay raalli ka noqon doonin wada hadalladaas. Guddigani wuxuu taariikhda ku galayaa inuu ka mid noqonayo arrimaha Siyaasad xumada iyo dhibaatooyinka ah ee ay xukuumadda Soomaaliyeed ku dhabar jabineyso dadka midnimada jecel ee waqooyi Soomaaliya.

Xukuumadda Farmaajo waxay duudsidey xuquuqdii aayo ka talinta gobollada SSC. Waxana muuqata iney dooneyso iney ku khasabto iney raacaan goonigoosatada. Taasina waxay caddeyneysaa in xukuumadda federeaalku aanay rabin inay taageerto yuhuunta shacabka midnimo doonka ah si xal waara laga gaadho dhibaatada ka jirta waqooyiga Soomaaliya.

Waxaan xukuumadda kula talin lahaa:-

  • Iney iska daayaan siyaasadda gurracan ee madhaleyska ah ee at ka waxaan waqooyiga Soomaaliya.
  • Iney dadyowga midnimada jecel ee waqooyiga u oggolaadaan iney ka tashashdaan aayahooda midnimo doonka ah, isla markaana gacan ku siiyaan.
  • Iney kooxda goonigoosatada ah ee “Isaaq” la furaan wadahadal u gaar ah, kana shaafiyaan waxyaabaha ay tabanayaan.

Iney xukuumaddu magacawdo guddi ballaadhan oo si ku saleysan xaqiiqada shacabka Soomaaliyeed u soo lafagura dib-u-heshiisiin dhab oo loo sameeyo ummadda Soomaaliyeed. Guddigaas oo ka kooban aqoonyahanno ku takhasusey cilmiga bulshada, siyaasiyiin ruug-caddaa ah, culamaa’udiin, isimada iyo cuqaasha beelaha.

Qore: Xildhibaan Ahmed Ismail Shabel
Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid