Ciidanka DF oo degaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada halkaasi ay gaareen deegaano horleh oo ka tirsan gobolkaas, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada huwanta kula wareegeen deegaanada kala ah Xarartiir, Garasyaani, Baarey, Baladul Amiin iyo kuwo kale oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Deegaanadaan ayaa dhammaantood ku yaalla hareeraha jiinka wabiga Shabelle, waxaana horay ugu sugnaa xoogaga Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay howlgalladan ayaa shaaca ka qaaday inay si nabdoon kula wareegeen deegaanadaasi, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay isaga carareen markii ay ka war heleen inay kusoo socdaan ciidamada huwanta.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay cagta mariyeen saldhigyo iyo godad waa weyn oo ay difaayo uga jireen xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada cusub ee la qabtay.

Waxa kale oo ay saraakiishu xuseen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, inta Al-Shabaab laga saarayo dhulka u dhexeeyo magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlgalladan ayaa galay todobaadkii labaad oo xiriir ah, waxaana hoggaaminayo guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo kaashanaya saraakiishw guutada 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Guud ahaan dalka waxaa ka socdo diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, iyada deegaanada qaarna uu si hordhac ah uga billowday, kaasi oo looga xoreynayo goobaha ay kooxda ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey inta badan Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan ee HirShabelle.