Amarkii madaxweyne Xasan ma ka dhaqan-galay Kaaraan iyo Yaaqshiid? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay degmooyinka xiga qeybta Bari, gaar ahaan saldhigyada booliska Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa waxaa kormeerkan oo saacado badan qaatay ku wehlinayay saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugidda.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida in uu labadaan degmo ka dhaqan-galay amarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha Caasimadda, islamarkaana ciidii fulin weyso sharciga la horgeyn doono.

Guddoomiye Madaale iyo Taliye Firin ayaa intii uu socday kormeerka faray saraakiisha amniga iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay si wadajir ah u wada shaqeeyan isla-markaana la xoojiyo howlagalada haatan sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta kadib marka uu soo dhammaaday kormeerkooda ayaa shaaca ka qaaday inuu soo hagagaagay amniga degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo kamid ahaa degmooyinka ugu liitay amniga caasimada.

“Sidaan ognahay degmooyinka aan caawa nimid waxaa ka jiray culeys amni, laakiin hadda beryihii u dambeeyay aad iyo aad ayuu u fiicnaa” ayuu marka hore yiri guddoomiye Yabooh.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in degmooyinkan uu ka fulay amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha ee ku aadanaa in hubka culus aan lagu dhex qaadan karin magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Sidaas darteed go’aanka hub ka dhigista ayaa aad loo adkeeyay, laguna dardaarmay in lasii xoojiyo howlgalladaasi” ayuu sii raaciyay.

Isbeddalkan ayaa yimid, kadib markii inta badan amniga Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howlgallo ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, ammaanka Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay oo ay ciidamada ammaanka maalin kahor ku guuleysteen inay fashiliyaan mooto Bajaaj sidday qaraxyo, taas oo ay ku dhinteen sadex nin oo la socotay, kadib markii ay kula qaraxday waaxda General Daa’uud ee degmada Xamarjaja ee gobolka Banaadir.