UK oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa haatan safiir cusub usoo magacowday arrimaha Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Safiirka cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa Michael Nithavrianakis, kaas oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu waraaqadihiisa aqoonsiga ugu wareejiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ugna howlgalo gudaha Soomaaliya.

Michael Nithavrianakis ayaa beddalaya, Ms Kate Foster oo xilkan heysay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana si weyn loogu xasuustaa doorkeedii ku aadanaa doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka ka dhacay 2022-kii.

Danjiraha cusub ayaa xilkan si rasmi ah ula wareegi doono inta lagu jiro bisha May ee sanadka 2023-ka, si uu guto waajibaadka loo xil-saaray.

Sidoo kale safiirka cusub ayaa shaqooyin kala duwan oo diblumaasiyadeed kasoo qabtay dhowr waddan, sida Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga, Giriiga iyo waddamo kale.

Waxaa la filayaa in safiirka cusub oo ah qabiir diblumaasiyadeed uu halkeeda kasii wada wada shaqeynta Soomaaliya iyo Uk, uuna sii xoojiyo xiriirka labada dal

Danjire Michael Nithavrianakis ayaa haatan ka tirsanaa xafiiska shaqaalaha ee Qunsulka Guud iyo Agaasimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Ingiriiska ayaa kamid ah waddamada reer Yurub ee xiriirka wanaagsan laleh dowladda federaalka, wuxuuna sidoo kale tababar iyo dhaqaale siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Shalay ayaa ugu dambeysay labada dowladood ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad ah.

Mashruucan Better Lives oo ay fulin doonto UNICEF ayaa waxa uu socon doona muddo saddex sano ah, waxaana laga fulin doonaa sida qorshuhu yahay maamul-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir.