SSC oo ka jawaabtay arrin yaab leh oo Muuse Biixi uu u sheegay beesha caalamka

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay wado marin habaabin ku aadan dagaalka, taasi oo ay uga dan leedahay in waaqica jira uga fogeyso indhaha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay garaadada 33-ka ah ee ku sugan Laascaanood ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka dhuumaneyso wajihida waaqiciga dhabta ah ee jira, islamarkaana ay marwalba ku jawhareerinayso caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed wax aan jirin oo xaqiiqda ka foga.

Qoraalka Isimida ayaa waxaa si gaar ah loogu soo qaatay kulankii u dambeeyay ee wakiiladda caalamka iyo madaxweynaha Somaliland ka yeesheen dagaalka Laascaanood, kaasi oo uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku sheegay in marka hore Puntland ka baxdo Laascaanood, si xal looga gaaro xiisadda dagaal.

“Sida ku cad qoraal kasoo baxay maamulka Hargeysa oo lagu soo koobay nuxurkii qoddobadii ay isla soo qaadeen xubnihii beesha caalamka, dhamaantooda waxay ahaayeen beentii uu maamulkaasi caadeystay intii uu dagaalka socday marwalba oo loo soo jeediyo in uu ciidankiisa kala baxo gobolka Sool,” ayaa lagu yiri qoraalka Isimida SSC.

“Somaliland waxay sheegtay in xubnihii beesha caalamka ku wargaliyeen madaxweynaha maamulka Somaliland inuu ciidamadiisa geeyo Oog, balse uu shuruud uga dhigay fulinteeda in ciidamada Puntland ka baxaan magaalada Laascaanood.”

SSC ayaa waxay sheegtay in shuruuda Somaliland ee ah in maamulka Puntland ka baxo dagaalka Laascaanood ay tahay mid uu mid uga dan leeyahay in uu sii wado dagaalka, dhagahana ka fureysto baaqyada kasoo yeeraya beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed.

“SSC-Khaatumo waxay markale ku celinaysaa in aysan jirin ciidamo Puntland ka tirsan oo ka dagaalamaya Laascaanood, waxaana magaalada iyo deegaankaba difaacanaya dadkii lahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddida dhaqanka ee SSC.

Isimida SSC ayaa markale ku celiyay in xukuumadda Somaliland ay ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool, oo ay geeyso Oog, si loogu gudbo xal nabadeed iyo wada-hadallo labada dhinac ah.

Ugu dambeyntiina waxay guddida 33-ka ah ee ku sugan Laascaanood uga mahad-celiyeen beesha caalamka dadaallada joogtada ah ee ay ku bixineyso sidii xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi u joojin lahaa dagaalka.