DF oo 36 qof oo ajaaniib ah maxkamad kusoo taagtay Muqdisho + Waxa loo haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu maxkamad horkeeyay 36 eedeysane oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya, iyagoo ku howlan kalluumeysi sharci darro ah.

Sida u cad bayaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka, waxaa raggaan lagu soo qabtay 30 tan oo kalluun ah oo si sharci darro ah ay uga jalaabteen xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay kalluunkii 30-ka tan ahaa ee lagu soo qabtay raggaas, waxaana loo gudbiyey maxkamadda, sida uu shaaciyey xeer ilaaliyaha qaranka uu u mahad celiyey ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya.

“Maxkamadda oo ka jawaabeysa codsiga xeer ilaaliyaha guud waxay xabsiga u dirtay dhamaan dadkii lagu soo qabtay kalluumeysiga sharci darrada ah, waxayna la wareegtay kalluunkii saarnaa doomaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ilaaliyaha qaranka.

Xeer ilaaliyaha ayaa ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ku sii dhiira-geliyey inay laba jibaaraan dadaalkooda ay ku suulinayaan kalluumeysiga sharci darrada ah oo aad ugu badan xeebaha Soomaaliya.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa ka go’an hor-geyta sharciga qof kasta oo lagu soo qabto inuu dalkaan ka waday kalluumeysi baal-marsan sharciga,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Ugu dambeyntii xeer ilaaliyaha qaranka ayaa ganacsatada ama qof kasta oo Soomaali ah uga digay inay xiriir la yeeshaan shirkadaha iyo dadka ajaanibta ah ee caadeystay inay xeebaha Soomaaliya si sharci darro ah uga kalluumeystaan.

Waa dhif iyo naadir in maxkamad lasoo taago ajaanibta sida sharci darrada ah uga jilaabata xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo wax lagu tilmaamay xaalufin ka geysta badda Soomaaliya, maadaama uu dalkani galay marxalad burbur ah oo ciidamada qaranku aysan hadda ka hor awood u laheyn difaacidda kheyraadka badda.

Hoos ka akhriso warqadda xeer ilaalinta