Safiirka M/Yurub oo lagu weeraray gurigiisa Khartoum

Khartoum (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Sudan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Khartuum, halkaas oo ay ku dagaallamayaan xooggag iska soo horjeeda.

“Dhaawac weyn ma uusan gaarin” diblomaasiga oo u dhashay Ireland, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas, Micheál Martin.

Wasiirka ayaa weerarka ku tilmaamay mid “si weyn meel ka dhac ugu ah waajibaadka ilaalinta diblomaasiyiinta”.

Ku dhawaad 185 qof ayaa ku dhintay dagaalka tan iyo Sabtidii ka socday Khartuum, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 1,800 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dhinacyada ku dagaallamaya Khartuum ayaa isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaaradaha dagaalka.

Milateriga Sudan iyo xooggaga sida gaarka ah u tababaran ee magacooda loo soo gaabiyo RSF ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku haya goobaha muhiimka ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Ireland ayaa ku tilmaamay danjiraha la weeraray “diblomaasi heerkiisu sarreeyo oo dalkiisa iyo Yurub ba u shaqeeyay xilli adag”.

Goor sii horreysay, madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa bartiisa Twitter ku qoray in “mas’uuliyadda amniga safaaradda iyo shaqaalaha ay saaran tahay” dowladda Sudan.

Nabila Massrali oo u hadashay Midowga Yurub ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in diblomaasiyiinta ururkaas aan laga daadgureyn Khartuum, iyadoo intaa raacisay in la qiimeynayo tallaabooyinka amniga ee ku habboon.

John Kirby oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa isna sheegay in xilligan uusan jirin qorshe ay Washington kula baxayso shaqaalaha ka jooga Sudan, inkastoo uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee Khartuum.

Waxaa se uu ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta dalkiisa in “si dhab ah ay uga fekeraan xaaladda ka taagan dalkaas”.

Shacabka Khartuum ayaa ku sugan guryahooda, waxaana jirta cabsi ah in dagaalka uu daba dheeraado, isla markaana uu burbur u horseedo Sudan.

Isha: BBC