Ciidamada DF ee dagaalka kula jira Shabaab oo kaabiga ku haya degaan muhiim ah

Beledweyne (Caasimada Online) – Howl-gallo culus oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale ayay ciidamada ka wadaan deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan.

Ciidamada huwanta oo isugu jira kuwa xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab, GorGor iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sii wada howl-gallada ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM dhanka Koonfur ka xigta magaalada Beledweyne.

Ciidamadaan iskaashanaya ayaa horay kooxda Al-Shabaab uga xoreeyey deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Beerxaanno, Tareedishe, Nuur-fanax, Ceela-hele Burdaar iyo deegaano kale oo muhiim ah.

Howl-gallada ay ciidanku ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ku socda saf-balaaran, iyada oo ciidamadu ka soo kala baxeen magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaas, sida Beledweyne, Buulo-burde, Halgan iyo fariisimo kale oo istaraatiiji ah.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howl-galkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa horraantii bishan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, iyada deegaanada qaarna uu si hordhac ah uga billowday, kaasi oo looga xoreynayo goobaha ay kooxda ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte.

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu wadaa inay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah.