32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ciidamada DF oo dib ula wareegay deegaanno ku yaalla Shabeellaha Dhexe

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay qaadeen howlgallo culus oo ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay weerareen deegaanno ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka argagixisada, oo u dhexeeya deegaannada Towfiiq iyo Geedi-xey,  kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ayaa xalay weerar ku qaaday xubno Khawaarij ah oo isku uruursanayay inta u dhaxeysa deegaannada Towfiiq iyo Geedi-xeyr oo ka tirsan degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladd ayaa sidoo kale sheegatay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay la wareegeen deegaannada howlgalka laga sameeyay, sidoo kalena ay dileen xubno badan Shabaab ahaa, kuwa kalena ay dhaawaceen.

“Ciidanka ayaa saacado ka hor Khawaarijta ka saaray deegaanka Geedi-xeyr halkaasi oo ay tan ilaa xalay ka wadeen baacsiga firxadkii Khawaarijta, waxa ayna gaarsiiyeen jab culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha fulisay howlgalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay qaadeen ciidamada, isla markaana ka dhacay aagga deegaanka Nuur Dugle, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceelka Cali Salaad, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku socdaalayay halkaasi.

Ciidamada huwanta oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa u galay waddada, kadibna waxay la beegsadeen weerar dhabagal ah oo uu kooxdu kasoo gaaray khasaare culus.

“Gadabkooda ayaa lagu jaray meesha dhiigooda ayaana daadsan hadda waa nabad Nuur Dugle, Ceelka Cali Salaad iyo Huurwayne” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay  “Khawaarijt halkan soo gashay annaga ayaa u dhignay siriq shabaqa waa soo galeen, waana ku baabi’inay”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobaha uu howlgalladu ka dhaceen ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda oo haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ay ku doonayaan inay isaga difacaan Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News