28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

QM oo gaartay go’aan aan u wanaagsaneyn Soomaaliya kadib markii Trump uu…

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in la dhimayo bartilmaameedyadii gargaarka bani’aadannimo ee Yemen iyo Soomaaliya, kaddib hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqaalihii ay bixiyeen dowladaha xubnaha ka ah hay’adda, si gaar ahna makrii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu yareeyey gargaarka dibedda.

Hay’addu waxay sheegtay in go’aankaasi uu halis gelinayo nolosha malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida, gaar ahaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Soomaaliya oo ay ka jirto rabshado iyo xasilooni darro, ayaa qorshe hore oo $1.4 bilyan lagu caawin lahaa 4.6 milyan oo qof, la dhimay hadda, waxaana hadda qorshuhu yahay in $367 milyan lagu caawiyo 1.3 milyan oo qof, ayay tiri afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephanie Tremblay,

“Tani micnaheedu ma aha in baahiyaha bani’aadannimo ay yaraadeen,” ayay sheegtay Tremblay. “Laakiin hoos u dhaca weyn ee maalgelinta ayaa barnaamijyadii gargaarka ku qasbay in si weyn loo yareeyo, taasoo malaayiin qof halis gelinaysa.”

“Sida ay ka dhacdo xaaladaha kale ee degdegga ah, cawaaqibka wuxuu noqon doonaa mid aad u xun. Haddii aan gaarsiinin gargaar ku filan, malaayiin qof ayaa wajahaya gaajo daran, biyo la’aan, iyo helitaan la’aan adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo ilaalinta,” ayay sii raacisay.

Bishii Janaayo, Qaramada Midoobay waxay bilowday ol’ole ay $2.4 bilyan ugu codsaneyso si loo caawiyo 10.5 milyan oo qof oo ku sugan Yemen, oo ay colaado ragaadiyeen — tiradan ayaa si weyn uga yar 19.5 milyan oo qof oo ay hay’addu sheegtay inay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Laakiin iyadoo maalgelinta ay hoos u dhacday, Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda gargaarka ayaa dejiyay mudnaanta cusub si ay u badbaadiyaan dadka ugu nugul.

Hay’addu waxay sidoo kale isbeddel la mid ah ku samaysay istaraatiijiyaddeeda dalalka Ukraine iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo toddobaadyadii la soo dhaafay.

Sida ay sheegtay afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephanie Tremblay, dadaalka Yemen ayaa hadda diiradda lagu saarayaa 8.8 milyan oo qof, iyadoo miisaaniyadda la qorsheeyay ay hoos ugu dhacday $1.4 bilyan.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa dhimaya howlgaladooda iyo shaqaalaha caalamiga ah, iyagoo la daalaa-dhacaya hoos u dhaca ku yimid tabarucaadyadii ay ka heli jireen dowladaha xubnaha ka ah, gaar ahaan Mareykanka xilligii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump.

- Advertisement -

Read more

Local News