28.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Jaamacada Carabta? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Baqdaad (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeybgalay Meertada 34-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda  Carabta oo ka qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa ka jeediyay khudbad wax ku ool ah oo uu kaga hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaamiyeyaasha Carbeed la wadaagay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha dowladda, sugidda amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in guulaha waawayn ee la gaaray ay suurta- geliyeen in horumar laga sameeyo dhismaha dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku taliyay in la dhiso dowlad madax banaan oo ay leeyihiin shacabka reer Falastiin, xarunteeduna ay tahay magaalada Qudus.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey in cunqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah.

Gabagadii madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyey taageerada Soomaaliya ee midnimada, madax-bannaanida, iyo dowladnimada dalka Suudaan, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan wadajirka shacabka Suudaan iyo xasiloonida dalkaas.

 

- Advertisement -

Read more

Local News