Riyadh (Caasimada Online) – Intii uu ku sugnaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Sacuudi Carabiya Talaadadii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si xushmad leh loogu soo dhaweeyay magaalada Riyadh. Hase yeeshee, diidmadiisa cabitaanka qaxwada dhaqanka Carabta – oo astaan muhiim ah u ah marti-soorka dhaqameed ee Boqortooyada – ayaa dhalisay hadal hayn baahsan oo baraha bulshada ah.
Trump ayaa markii uu kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Riyadh lagu soo dhaweeyay koob yar oo qaxwo Carbeed ah oo loo yaqaan finjan, taasoo dhaqanka Sacuudiga uga dhigan soo dhaweyn, sharaf iyo tixgelin. Laakiin iyadoo Dhaxal Sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed bin Salmaan, garabkiisa taagan yahay, Trump ayaa si deggan u dhigay koobkii isagoo aan cabin, isagoo sii wada wada-hadalkii uu la lahaa amiirka.
Muuqaal kale oo laga duubay qasriga Al-Yamamah ayaa mar kale muujiyay Trump oo qaxwo loo soo bandhigay. Inkasta oo uu markan koobka gacanta ku hayay intii uu hadlayay, haddana lama xaqiijin in uu wax ka cabay.
Diidista qaxwada, xitaa si edban, ayaa dadka qaar u arkeen mid ka hor imaanaysa dhaqanka qoto dheer ee sooryada Carabta, taasoo astaan u ah kalgacal, ixtiraam iyo xiriir saaxiibtinimo. Tallaabadaas ayaa isla markiiba qabsatay baraha bulshada.
“Trump ma doonayo qaxwo, wuxuu raba lacag!” ayuu qoray qof isticmaala baraha bulshada ee X (hore Twitter).
Si kastaba ha ahaatee, qaar kale ayaa u hiiliyay madaxweynaha Mareykanka, iyagoo baahiyay muuqaallo muujinaya in Trump ugu dambeyn si tartiib ah u sipsaday qaxwada.
“Qof aan koob qaxwo ah cabin looma adeegsan karo in lagu yaso sharafta ummad ama lagu xumeeyo marti-soorka Carabta. Kuwa qalbigooda uu buuxiyo nacayb ayaa keliya sidaas u fekeri kara,” ayaa lagu yiri qoraal si weyn loogu wadaagay X.
Trump ayaa horay u sheegay in uu si shakhsi ah uga fogaado cabitaannada sida qaxwada, khamriga iyo sigaarka, isagoo arrintaas ku sababeeyay geeridii walaalkiis Fred, oo la daalaa-dhacayay ka bixi la’aanta mukhaadaraadka.
Sidoo kale, cunto-doorashada gaarka ah ee Trump ayaa markale u muuqatay mid ay mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya tixgeliyeen. Gaari mobil ah oo McDonald’s ah ayaa lagu arkay gudaha magaalada Riyadh, waxaana la rumeysan yahay in loo diyaariyay si loogu daboolo doorashada cunnada ee Trump intii uu booqashada ku sugnaa.
Muuqaallo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujiyay gaarigaas, waxaana ilo rasmi ah oo Aqalka Cad ka tirsan ay u xaqiijiyeen Fox News in gaariga McDonald’s si gaar ah loogu diyaarshay Trump.