27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Xiisad ka dhex qaraxday JABUUTI iyo Itoobiya kadib tallaabo ay qaaday Jabuuti

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti ayaa xumaaday kaddib masaafurintii dhowaan dalka Jabuuti lagaga celiyay in ka badan 60,000 oo muwaadiniin Itoobiyaan ah oo aan haysan sharciyo sax ah.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro ballaaran, waxayna sii hurisay xiisado ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyadoo sidoo kale sababtay in Itoobiya dib u eegto istaraatijiyaddeeda ganacsi iyo ku tiirsanaanta dekadaha Jabuuti.

Masaafurinta oo socotay toddobaadyo is intii u dhaxeysay April iyo horraanta May 2025 ayaa daba socotay olole dowladeed oo Jabuuti ka wadday xakamaynta dadka aan sharciyeysnayn. Inkasta oo safaaradda Itoobiya ay hore ugu baaqday muwaadiniinta sharci la’aanta ku jooga Jabuuti inay si iskaa ah ugu laabtaan dalkooda, haddana dad badan ayaa la kulmay masaafurin deg-deg ah, taasoo keentay jahwareer iyo ciriiri ka dhacay xuduudaha Galafi iyo Dewale.

Kumannaan Itoobiyaan ah oo shaqooyin hooseeya ka hayay Jabuuti muddo sanado ah ayaa lagu qasbay inay isaga baxaan guryahooda iyaga oo aan wax diyaarin ah lahayn, taasoo sii kordhisay dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka taagan gudaha Itoobiya.

Sidoo kale, dhacdadan ayaa dhaawacday xiriirka dhow ee ganacsi iyo is-kaashi ee u dhexeeyay labada dal, gaar ahaan maadaama Jabuuti ay tahay marin-badeedka ugu weyn ee Itoobiya isticmaasho.

Itoobiya oo ka weecaneysa Jabuuti

Iyadoo ay xaaladdu cakiran tahay, dowladda Itoobiya ayaa dardar gelisay qorshayaal ay ku yaraynayso ku-tiirsanaanta dekedaha Jabuuti. Qorshahan cusub ee istaraatijiyadeed ayaa xooga saaraya dekedda Berbera ee maamulka Somaliland, halkaas oo Itoobiya dhawaan ka furtay xafiisyo kastamyada si loo fududeeyo howlaha dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha.

Waddada Berbera Corridor oo isku xirta dekedda Berbera iyo magaalada Addis Ababa ayaa loo arkaa mid istaraatiji ah, waxaana laga rajeynayaa inay noqoto marin kale oo muhiim ah oo suurtagelinaya in Itoobiya si fudud ula xiriirto suuqyada caalamiga ah. Dekedda Berbera, oo ay maamusho shirkadda caalamiga ah ee DP World, ayaa lagu sameeyay maalgashi ballaaran si loo kordhiyo awooddeeda iyo waxtarkeeda ganacsi.

Hase yeeshee, xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ayaa abuuray xiisado siyaasadeed oo hor leh. Heshiis is-afgarad ah oo labada dhinac kala saxiixdeen bishii Janaayo 2024, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya inay hesho marin-badeed toos ah oo Somaliland ah, iyada oo loo beddelayo aqoonsi suurtagal ah oo ay siiso Somaliland, ayaa si weyn uga caraysiiyay dowladda Soomaaliya — oo wali u aragta Somaliland inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Inkastoo Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood lagu xalliyo khilaafaadka, kadib heshiiskii Ankara ee la saxiixay December 2024, haddana kalsooni buuxda lama gaarin.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News