Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay magaalada Basra

Basra (Caasimada Online) – Howlgal militari oo ay sameeyeen ciidamada dowladda federaalka iyo Amisom ayaa kooxda Al-Shabaab loogala wareegay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Basra ayaa waxaa muddo haystay kooxda Al-Shabaab, halkaasi oo ay kasoo qaadeen weeraro badan oo dhimasho leh oo lala beegsaday Amisom, ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in howlgal socday 16-kii illaa 22-kii October oo fuliyeen ciidamada Gorgor, oo taageero ka helaya Amisom, uu horseeday in Al-Shabaab. 

Howlgalkan toddobaadka socday ayaa ku billowday ayada oo ciidamada Gorgor iyo Amisom ay eryadeen Al-Shabaab ku sugnaa tuullada Baghdad ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa kadib dhexda u galay Al-Shabaab baxsad ahaa, tuulada Nadar Salaam, oo qiyaastii 1.5km Koonfur ka xigta magaalada Basra.

Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Jeneraal Don Nabasa ayaa sheegay in qabsashada Basra ay muhiim tahay, sababtoo ah waxay aheyd saldhig ay weeraro dhimasho leh marar badan kasoo qaadaan Al-Shabaab. 

“Basra waxaa sidoo kale loo adeegsan jiray in lagu soo diyaariyo baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo iyo in lacagta canshuurta looga qaado beeraleyda iyo ganacsatada gudaha,” ayuu yiri Jeneraal Don Nabasa.  

Dowladda Soomaaliya ayaan weli dhankeeda war kasoo saarin qabsashada Basra.