Ciidamada DF oo howlgal culus ka fuliyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka Wadajir oo iskaashanaya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey xaafadaha degmadaasi, kaas oo lagu xaqiijiyey amniga guud ee deegaanka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay rag u badan dhalinyaro, gaar ahaan Ciyaal Weeroi, si looga hortego dhibaatada ay ku hayaan dadka deegaanka.

Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle) oo u warramay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey ujeedka, wuxuuna sheegay in looga hortegayo wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada guud ee magaalada Muqdisho.

“Howlgalkaas waxaa looga hortagayaa wax weliba oo amni xumada qayb ka qaadan kara, haddii ay yihiin kuwa sharci darrada dadka ku beegsada ee ku dila, Ciyaalka weerada, tuugada Dadka jidka u istaaga” ayuu yiri taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali ayaa sheegay in howlgalka laga sameeyey waaxaha ay ka kooban tahay degmada, wuxuuna sheegay inay sii socon doonaan, inta laga xaqiijinayo amniga, looga hortegayo kooxaha dhibaatada wada.

Bashiir ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay kaalontooda qaatay, isla-markaana ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waaxyaha kala duwan ee Degmada Wadajir waxa aan ka sameynay howlgal amni xaqiijin ah si aan uga hortagno walxaha maanka-dooriya, Ciyaal weerada & falalka kale ee amni darrada qaybta ka ah, Shacabka waxa aan ka codsaneynaa in nagala shaqeeyaan wax ka qabashada arrimahaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal amni darro ah, waxaana sidoo kale barbar socday howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya.