Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta qaadeen ciidamada Xoogga dalka ku beegsadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday goobo ay isku uruursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab, kadib markii ay heleen xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqooda.
Sidoo kale ciidamada ayaa howlglkooda ku gaaray deegaannada kala ah Jabad Godane, Calanley, Masaale iyo Beerweyn Celi oo dhammaantood ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Taliyaha ururka 191-aad, guutada 19-aad ciidamada Gorgor Gaashaanle Mukhtaar Axmed Cumar oo hoggaaminayay weerarka ay qaadeen ciidanka dowladda ayaa sheegay inay ku burburiyeen gabaadyo ay Al-Shabaab ay ka sameysteen halkaasi, ayna gaarsiiyeen khasaare kala duwan.
Gaashaanle Mukhtaar Axmed ayaa sidoo kale sheegay inay kala eryeen xubnihii Al-Shabaab ee lagu diyaarinayay deegaannadaasi, iyaga oo ujeedkooda uu ahaa inay qaadaan weeraro, iskuna fidiyaan aaggaasi.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ay si wadi doonaan howlgallada, ayna ka hortagi doonaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kusii siqayaan qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgallada ayaa waxaa barbar socda duqeymo lagu garaacayo Al-Shabaab ku sugan Galgaduud Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay xoogga soo saartay kooxdu.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ib u bilaabuleyso gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana furimaha loo diray ciidamo dheeraad ah oo ku biiraya dagaalka xoreynta ah.

