Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa si adag uga horyimid shaqsiyaad uu degmooyinka maamulkaasi u magacaabay xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, kaasi oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xisbiga JSP ayaa maanta u magacaabay Cabdimanaan Maxamed Cismaan inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Galmudug Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu u magacaabay Mahad Cali Axmed inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, Galmudug Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa magacaabistan ku tilmaamtay waxba kama jiraan, iyadoo sheegtay in arrintan ay tahay mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada ururada siyaasadda.
“Wasaaradu waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeysaa talaabadda dad sheeganaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ay ku faafiyeen baraha bulshada shaqsiyaad lagu sheegay wakiilo urur qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, Arrintaas oo ah mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay baaritaan ku heyso cidii ka danbeysay tallaabadaas oo ay ku sheegtay mid mas’uuliyad darro ah.
Warka kasoo baxay Galmudug ayaa muujinaya khilaaf cusub oo mar kale ka dhex qarxay gudaha xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xilli dhawaan ay dowladda federaalka qorsheynayso inay qabato doorasho qof iyo cod.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-heshiisiinta Dowladda Galmudug waxay ku howlantahay diyaarinta habraacyada hagaya hanaanka ay Ururada Siyaasadda uga qeyb galayaan tartanka doorashada qof iyo codka ah, heerkeeda golayaasha deegaanka.
Sidaa Darteed, Wasaaradu waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeysaa talaabadda dad sheeganaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ay ku faafiyeen baraha bulshada shaqsiyaad lagu sheegay wakiilo urur qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, Arrintaas oo ah mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada Siyaasadda.
Wasaaradu waxay baaritaan ku heysaa cidii ka danbeysay talaabadaas masuuliyad darrada ah.
Ugu danbeyn, Wasaaradu waxay ku wargalineysaa Ururada Siyaasadda ee diiwaan gashan ee daneynaya iney ka qayb galaan olalaha doorashada iney sugaan inta laga ansixinayo hanaanka ay ku hawl galayaan, oo noqonaya habraac ay isla ogolyihiin Wasaarada Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Qaran.
Dhamaad

