Ciidamada DF oo gacanta k soo dhigay Askariga Gacan ku dhiigle ahaa

Wararka laga helaayo degmada Afgooye ee G/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas shalay ilaa iyo xalay ay ka socotay Howlgal lagu baadi goobaayay askari dilay qof  dumar maalintii shlay eheyd.

Sida uu xaqiijiyay Ku simaha gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Askarigii dilka geystay.

Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugida ayaa iska kaashadeen sidii loo soo qaban lahaa askarigaan balse xalay saqdii dhexe ay ku guuleysteen gacan ku dhigistiisa.

Dhanka kale Mahdi Axmed Xasan ayaa sheegay in falkaan uu dhacay ka dib markii shala Suuqa Afgooye ay isku rasaaseeyeen Askarigaan iyo mid kale ,balse xabad oo riday Askarigaan ay u dhimatay qof dumar ah oo suuqa ka adeeganeysay.

Taliska Ciidanka Afgooye ayaa sheegay in ay Maxkamad la soo taagi doono Askarigaan si loo xukumo ayna ku qanci doonaa ehelada ay laga dilay qofkaas haweyneyda ah.