Kenya oo maxkamadeeneysa Soomaali

Wararka laga helaayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas maanta Maxkamad lagu saari doono afar ruux oo Somali ah kuwaas oo loo heysto weerarkii West Gate Mall.

Afartaan dhalinyaro ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidanka Kenya iyaga oo joogay Nairobi waxaana lagu eedeeyay in weerarkaas ay ku lug lahaayeen balse  iyaga ayaa iska fogeeyay waxa ayna ku sheegeen been abuur.

Maxkamada Kenya ayaa horay u diiday in ay si damiin ah ku sii deyso dhalinyaradaan,waxaana tan iyo markaas lagu haayay xabsi ku yaala Nairobi iyaga oo aan lagu heyn wax cadeemo ah .

Maxkamada Kenya ayaa laga sugayaa in ay sii deyso ama ay xukunto afartaan wiil e Somalida ah kuwaas oo bilooyin ku jira xabsiyada dalka Kenya.

Ugu danbeyntii qareenka u doodaayo ayaa waxa uu muujinayaa in ay u badan tahay in afartaan ruux ay Maxkamada siideyso maadaama aysan jirin cid ku cadeyn karta kiiska loo heysto.