Ciidamada DF Somalia oo gurigeeda Muqdisho kala baxay haweeney caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa afar habeen ka hor gurigeeda oo ku yaalla degmada Boondheere kala baxay haweeney lagu mahacaabo Luul Caanooleey, taas oo ay dadka degaanka aad u yaqaanaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Luul ciidamada amaanka ka qabteen meel gurigeeda u dhaw kadibna ay ka xeesteen ilaa haddana aysan jirin qof war ka heysa.

Haweeneydaan ayaa caan ka aheyd Xaafadda Maana-boolyo, gaar ahaan dhinaca Boondheere iyo waliba Shibis. Dadka degaanka ayaa sheegay in laba arrin ay caan ku aheyd kuwaas oo kala ah.

1) – Waxay aheyd Haweeney heysata dhowr neef oo Lo’ ah, waxayna dharaar iyo habeen xaafadaha ka qaadi jirtay raashinka la soo reebo si ay usiiso xoolaha u xareysan.

2) – Iyo iney kamid aheyd dadka maandooriyaha Khaadka isticmaala islamarkaana aan la gamban Khaadka dadkana ay aad ugu barteen.

Ciidamada ayaa markii ay ka xeesteen Luul, kadib waxay dib ugu soo laabteen gurigeeda iyagoo muddo saacado ah baarayay. Warar kale ayaa sheegaya in haween kale oo lala xiray la sii daayay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigeeda basle waxay noqotay hadal heynta ugu weyn ee dadka degaanka. Boondheere waxaa aad ugu badan dadka saqda dhaxe ay ciidamada guryahooda u dhacaan kadibna ay soo xiraan.