Boqor Cabdalla oo dagaal weyn ku dhowaaqay haddii Israel ay goosato D/Galbeed

Amman (Caasimada Online) – Boqorka dalka Jordan Cabdallaha Labaad, ayaa ka digay in qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed uu hoggaamin doono “dagaal weyn”, islamarkaana boqortooyadiisa ay ka fakareyso wax kasta, oo ay ku jirto inay ka baxdo heshiiskii nabadda ee ay la gashay Israel 1994-kii.

“Ma doonayo inaan hanjabaad sameeyo, ama abuuro jawi muran, balse waxaan ka fakaraynaa wax kasta,” ayuu Boqor Cabdallah u sheegay wargeyska Dar Spiegel ee Jarmalka, mar waxa laga weydiiyey suurta-galnimada ah inuu ka baxo heshiiskii Wada Araba.

Jordan ayaa Israel iyo Daanta Galbeed la wadaagta xuduud 335km ah, waxaana wada-shaqeynteeda aad uga faa’iida militariga iyo sirdoonka Israel.

Dowladda isbahaysiga ah ee Israel ee uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inay ku dhaqaaqo qorshe ay ku sheeganeyso madax-banaanida Dooxada Jordan iyo deegaanada Yahuudda ee ku yaalla dhulka Falastiiniyiinta, ayada oo Mareykanka uu taageerayo.

“Waxaan ku raacsanahay dalal badan oo Yurub ah iyo beesha caalamka in sharciga cidda ugu awoodda badan aan lagu dabaqin Bariga Dhexe,” ayuu yiri Boqor Cabdallah, isaga oo intaas ku daray in xalka laba dal uu yahay qorshaha kaliya ee horey loogu socon karo.

Boqor Cabdallah ayaa sidoo kale is-weydiiyey aayaha dowladda Falastiin ee fadhigeedu yahay Ramallah.

“Maxaa dhici doona haddii dowladda Falastiin ay burburto, waxaa jiri doona qas iyo xagjirnimo dheeri ah oo ka dhacda gobolka. Haddii Israel ay goosato Daanta Galbeed bisha July, waxa ay hoggaamin doontaa dagaal weyn oo ay la gasho Boqortooyada Reer Hashim ee Jordan,” ayuu yiri Cabdalla.

Bishii December, Militariga Jordan ayaa fuliyey dhoola-tus militari oo laga sameeyey xuduudada galbeed ee buuraleyda ah ee ay la wadaagto Israel, ayaga oo isku diyaarinaya suurta-galnimada duullaan shisheeye oo ku iman kara.

Dhoola-tus kaas oo ay ka qeyb galeen Boqor Cabdallah iyo Ra’iisul Wasaare Omar al-Razzaz iyo xubo sare ayaa soo jeedisay indhaha warbaahinta Israel, xilli ay xiisadda gobolka sare usii kaceyso.