Mahdi Guuleed oo shaaca ka qaaday arrin fashilineysa damaca Kenya ee ah dib u dhigista kiiska ICJ ee badda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale isku dayeysa in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), sida ku cad dokumentiyo cusub oo ay dirtay.

Arrintan ayaa khilaaf hor leh ka dhex-abuurtay labada dal, ayada oo Soomaaliya ay si xooggan uga hor-timid damaca cusub ee Kenya ay uga baxsaneyso inay cadaaladda wajahdo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay uga soo horjeesteen dalabka ka yimid Kenya, iyo qodob fashilnaya damacooda.

“Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xiranyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto,” ayuu ku daray.

Sidda laga soo xigtay Mahdi, waxaa jira kiisas dhowr ah oo ICJ ay ku dhageysatay habka fogaan aragga ah ee dunida wada isticmaasho hadda.

“Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo,” ayuu hadalkiisu ku daray.

Mahdi ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin dhameystiran ka bixiyo cadaadista ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay saareyso dhigeeda Kenya.

Gal-dacwadeedka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilowday bishii August ee sanadkii 2014-kii, waxaana dhinacyadda ay isku hayaan goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala xadka labadda wadan.

Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda shaaciso go’aankeeda ku aaddan in kiiska uu ku dhacayo waqtigiisa iyo in kale, kaasi oo ah 8-da ilaa 12-ka Bisha June.

Maxkamadda ICJ ayaa 5-tii September ee 2019-kii ogolaatay codsi ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska, waxaana xilligaas ay ballan-qaaday inaan mar kale kiiska dib loo dhigi doonin.