Sacuudiga oo mas’uuliyiintii dowlada Yemen ee dalkiisa joogay lacagta ka jartay soona eryey (Warbixin)

Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa saraakiisha Dowladda Yemen ee degan caasimadda Riyadh weydiistay inay isaga baxaan, islamarkaana joojiyay taageeradii maaliyadeed ee ay siin jireen, sida ay werisay warbaahinta Carabiya21.

Tan iyo 2015, Sucuudiga ayaa hogaaminayay xulufo Yemen kula dagaalameysa dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta, si loo soo celiyo dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Madaxweyne Cabdu Rabbu Mansoor Haadi.

Wixii markaas ka dambeeyay, inta badan xubnaha Dowladda Yemen waxaa ay deganaayeen magaalooyinka Riyadh iyo Jeddah, qarashkoodana waxaa bixinayay dowladda Sucuudiga.

Sarkaal Dowladeed oo si qarsoodi ah ula hadlay Carabiya21 ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudigu ay wargeliyeen mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska madaxtooyada iyo Ra’iisul Wasaaraha Yemen. Sidoo kale dhowr wasaaradood ayaa la gaarsiiyay go’aanka cusub.

Sarkaalkaasi waxaa uu hadalkiia ku daray “dhamaan shaqaalaha dowladda Yemen kuma degana qarashka Sacuudiga, qaar ayaa qarashkooda ku nool.”

Warqad lagu faafiyay Internet-ka ayaa muujineeysa in saraakiisha Yemen iyo shaqaalaha degan Riyadh loo sheegay in lacagtii ugu dambeysay la siin doono dhamaadka May.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan astaamo muujinaya in dowladda Sacuudiga ay quus ka taagan xaaladda Yemen, kadib shan sano oo dagaal ah, oo aan laga gaarin wax guulo ah, ayada qarash bandan uu kaga baxay, sumcad darro xooggan oo caalami ahna ay kasoo gaartay.