Xeer-ilaalinta oo dacwado musuq-maasuq kusoo oogtay 20 mas’uul oo ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay shakhsiyaad loo xiray musuq-maasuq kasoo billowday wasaaradda caafimaadka, balse ku baahay wasaarado kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud  ayaa sheegay isagoo kaashanayo xafiiska Hanti dhowraha guud inay soo qabteen 20 qof oo lagu helay musuq-maasuq ka dhacay howlaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kadibna lugaha la galay wasaarado kale.

Dadka loo xiray kiiskaan ayuu xafiiska Xeer ilaalinta sheegay inay ka mid yihiin agaasimayaal waaxeedo iyo kuwa guud, madaxda barnaamijyada iyo maashriicda ay wado wasaaradda Caafimaadka, la-taliyayaal, madaxda shirkado gaar loo leeyahay oo la shaqeeyo wasaaradda caafimaadka, Ganacsato iyo shaqaale kale oo ka shaqeeyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay inay hayaan caddeymo ku aadan musuq-maasuqaas, waxaana caddeymaha la hayo lagu sheegay inay kamid yihiin rasiidyo, Jeegag iyo heshiis la sheegay in loo diyaarsaday sidii lacago loogu musuq-maasuqi lahaa.

Dr. Suleymaan ayaa sidoo kale sheegay inay Xayiraad iyo baaritaan ku sameeyeen akoonada eedeysanayaasha loo heysto kiiskaan iyo Akoono ay leeyihiin shirkado lala xiriirinayo inay qeyb ka yihiin musuq-maasuqaan si xog looga helo lacagta la tuhunsan yahay in la lunsaday.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in shakhsiyaadkaan lasoo xiray loo maray sharciga iyo waddada saxda ah ee loo maro xuriyad ka qaadista dadka lagu soo eedeeyo dambiyada iyo musuq-maasuqa.

Xeer ilaalinta ayaa ugu dambeyntii sheegtay inay soo gaba-gabeysay baaritaan waqti dheer qaatay oo la xiriirto kiiska musuq-maasuqa ee wasaaradda Caafimaadka,  wuxuuna Dr. Suleymaan sheegay inay dacwad kusoo oogeen shakhsiyaadka la haysto una gudbiyeen maxkamadda awoodda u leh dacwadaan iyadoo laga sugayo in waqti loo qabto maxkamadeynta.

Halkaan hoose ka daawo war-saxaafeedka xeer-ilaaliyaha