Ciidamada DF iyo Raaskambooni oo heshiis la dhex dhigay.

Wararka Kismaayo laga helayo duhurnimada maanta ayaa sheega in la xaliyay qilaafkii ka dhex jiray Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Raaskambooni.

Saraakiil Dowlada ka tirsan oo la hadlay Idaacadaha gudaha Muqdisho ayaa sheegay in waan waan soo bilaabatay gelinkii dambe ee maalintii shalay lagu guulaystay maanta xalintooda.

Dagaalyahanada uu hogaamiyo Axmad Madoobe ayaa dagaal lagu tilmaamay inuu ahaa mid gardaro waxaa ay ku qaadeen ciidamo dowlada ka tirsan Taasna waxaa ay keentay in lala dagaalo.

Axmad Madoobe ayaa la sheegaya in waan waanta lagu kala qaadayo ciidamada dagaalaya uu qayb  ka ahaa maanta.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa dagan  labada ciidana waa ay is dhex socdaan.