CR7: Ma dabaal degi doono hadii aan gool ka dhaliyo Man Utd.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku dhawaaqay inuusan dabaal degi doonin hadii uu wareega 16ka Champions League gool ka dhiyo Manchester United.

Xidiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lix sano kusoo riyaaqay kooxda hugaamineysa Premier League ka hor inta uusan xagaagii 2009 ku biirin Los Blancos, wuxuuna weli dareemayaa inuu u diiran yahay kooxdiisii hore.

“Uma dabaal degi doono goolkeyga hadii aan ka dhaliyo Manchester United,” ayuu yiri Ronadlo sida ay qortay majalada AS.

Ronaldo ayaa Man United ku hugaamiyey Champions League xilli ciyaareedkii 2007-08, markaasoo uu sidoo kale noqday gool dhaliyaha ugu badan Horyaalka Ingiriiska, United ayaana waqtigaas qaaday wixii koob laga qaado Caalamka.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.