AVB oo wado u furay inuu Gareth Bale ku biiro Real Madrid.

Andre Villas-Boas ayaa sheegay inay inta badan macquul tahay inuu Gareth Bale kooxdiisa Tottenham ka tegi doono bisha Janaayo marka uu suuqa kala iibsigu furmo.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Spurs ayaa muddo dheer lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo kooxda Santiago Bernabeu tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho oo yaqaana xidigaan ayaana qirsan awooda uu leeyahay.

Laakiin tababarihii hore ee kooxaha FC Porto iyo Chelsea Villas-Boas ayaa meesha ka saaray inuu lacag aad u badan ku baxo bisha soo aadan.

“Gabi ahaanba waa macquul inuu tegi doono bisha Janaayo,” ayuu yiri Macalinka Tottenham AVB.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.