Yaya Toure oo loo caleemo saaray Xidiga Sanadka Africa.

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa ku guuleystay abaal marinta laacibka sanadka Qaarada Africa (African Footballer of the Year).

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ivory Coast ayaa tartankan kaga guuleystay ninka ay isku wadanka yihiin Didier Drogba iyo xidiga dalka Cameroon Alex Song, oo u ciyaara kooxda Barcelona.

29-jirkaan ayaa sanad fiican ku qaatay Sky Blue wuxuuna u suurta geliyey inay hanato Barclays Premier League ka dib sanado fara badan oo uusan Horyaalku gacanteeda soo gelin.

“Habeenkaani waa habeen aniga gaar ii ah,” Toure ayaa sidaasi yiri markii uu abaal marinta helay, xilli lagu bixinaayey caasimada Chana ee Accra. “Dhamaantiin waad mahadsan tihiin. Xittaa kabtankeyga oo maanta halkaan jooga. Qof walba waan u mahad celinayaa waana ku faraxsanahay abaalmarintaan.”

Sida loogu kala guuleystay abaal marinada waa sida tan:

Xulka Qaranka Sanadka – Zambia

Xulka Qaranka Hablaha Sanadka – Equatorial Guinea

Kooxda Sanadka – Al Ahly

Tababaraha Sanadka – Herve Renard

Xidigta Hablaha Sanadka – Genoveva Anonma (Equatorial Guinea)

Garsooraha Sanadka – Gamal Hymoudy (Algeria)

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.