29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Ciidamada dowlada oo burburiyay sharci ay dhawaan dajiyeen golaha wasiirada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya dhibaatooyinka ay ciidamada dowlada ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo dhawaan laga mamnuucay inay rasaaseeyan dadka shacabka ah ayaa dib u bilaabay dhibaateyntooda xiliyada ay marayaan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Waddooyinka qaar ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo wata gaadiidka dagaalka ama la socda mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo rasaas ooda uga qaadaya dad shacab ah oo wata gaadiidka nooca raaxada ah.

Ciidamada qaar oo cagta maalaaya ayaa rasaas ku fura dadka shacabka ah, waxa ayna arintaa muujineysaa dayacaad ku imaaday sharciga ay dajiyeen Golaha Wasiirada.

Ciidamada qaar ayaa sidoo kale wadooyinka ku dhexwata Gaadiid ay saaran yihiin Hubka laga mamnuucay in lagu dhex isticmaalo magaalada Muqdisho kuwaa oo loogu talo galay furumaha dagaalka.

Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa May 11, 2017 soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu xakameynaayo ciidamada ka howlgala magaalada Muqdisho.

Qodobada ay soo saaren Golaha ayaa waxaa kamid ahaa inaanu ciidamada hubkooda u isticmaali karin shacabka isla markaana aysan wadooyinka muqdisho ku isticmaali karin Hubka ka weyn AK47.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan inta badan Somalia ka dhaqan galin amarada ay soo saaran madaxda ugu sareysa dalka, kuwaa oo mararka qaar shaqeeya bil ama laba bil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News