Dhageyso: Fowsiya Xaaji oo soo bandhigtay siyaasad xumida maamul gboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somalia Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa walaac xoogan ka muujisay is barbaryaaca maamul Goboleedyada ka jira dalka, kadib mowqifkii ay ka qaatan xiisada Khaliijka.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay in hab dhaqanka maamul Goboleedyada dalka uu yahya mid khilaafsan sharciyada dalka, maadaama ay wiiqeen go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada Khaliijka.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay tilmaantay inay isa soo tarayaan go’aanada ay maamul Goboleedyada ku taageerayaan Xulafada Sacuudiga xili ay dowlada Somalia qaadatay go’aan cad oo dhex dhexaadnimo leh.

Waxa ay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, tilmaantay inay aad uga naxsan tahay dhibta ay maamul Goboleedyada ku hayaan Siyaasada Somalia, waxa ayna shaki galisay in go’aanada isa soo taraaya ay yihiin kuwo daacadnimo ku dheehan.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay wax laga naxo ku tilmaamtay sida Maamul Goboleedyada ay uga horumanayan qaraarka Dowladda Somaliya ee ku aadan Wadamada Carabta.

Xil. Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay cadeysay in Dastuurka dalka uu qeexaayo in maamul Goboleedyada dalka ee baalmaray go’aanka dowlada laga qaado talaabo sharci ah, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay inay jiraan qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka kuwaa oo ay burburiyeen maamulada.

Waxa ay carab dhawday in dowladda Dhexe ay leedahay go’aanada siyaasadda arrimaha dibadda, haddii ay noqon lahaayen dalalka deriska iyo kuwa kalaba.

Sidoo kale, Foosiya Yuusuf iyadoo la hadleysay Idaacdaa VOA, ayey ka dhawaajisay inay gaf, khalad iyo dembi laga gelayo qaranka u aragto in Maamul Goboleedyada ka horyimaadan go’aanada dowladda, isla-markaana u jebiyaan asaageeda.

HOOS KA DHAGEYSO DHALIISHA AY MAAMULADA U JEEDISAY FOOSIYO YUUSUF