Dhageyso: Maxaa ka jira in Mooshin ka dhan ah xukuuamda Kheyre loo gudbiyay BF?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xoghayaha Baarlamaanka Soomaalia Cabdi Kariin Xaaji Cabdi “Buux” oo ka hadlay warar maalmihii u danbeeyay la isla dhexmarayay ayaa been abuur ku tilmaamay in Baarlamaanka loo gudbiyay mooshin ka dhan Xukuumadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa maalmihii u danbeeyay qorayay in guddoonka baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay mooshin ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya  balse taasi been abuur lagu tilmaamay.

Xoghaye Buux ayaa sheegay in Wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah isla markaana aysan jirin wax qaraar ka dhan ah Xukuumadda oo Guddoonka Baarlamaanka loo soo gudbiyay.

Waxa uu sheegay in markii ay xukuumadda Soomaliya ay soo saartay Go’aankii lagu wareejiyay Cabdi Kariin muuse Qalbi Dhagax ay arrintaan timid.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Guddiga joogtada ee Baarlamaanka markii ay maqleen arrintaan iyaga oo ka jawaabaya ay ka fariisteen,isla markaana ay u gudbiyeen Golaha Shacabka ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka ay guddi ka soo tala bixiya  u Magacaabeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay in si wanaagsan u gudaneyso Waajibaadka saaran,islamarkaana loo baahan yahay in waqti ku haboon la siiyo.