Ciidamada DF oo howlgal ku dilay Cabdi Xasan Deyr

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Shaam Gare ee gobolkaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Deyr oo caan ka ahaa halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shanaab, si looga hortago weerarada ay ka soo abaabulaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda oo ku aadan howlgalkaasi oo ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Gobolkan oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kooxda Al-Shabaab.