Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maanta dilay 10 qof oo shacab ah

Bariire (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka oo ay wehlinayaan kuwo Ajaaniib ah ay deegaanka Bariire ku dileen 10 qof, halka Labo kalena ay dhaawaceen.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Shabellaha Hoose , Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in dadka dhintay ay yihiin shacab.

Waxa uu tilmaamay in ciidankaan ay saakay ay ku jarmaadeen dhul beeraley ah ayna dileen dadkaasi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dhammaan dadka la diley la keeni doono xarunta CID ee magaalada Muqdisho, si baaritaanno loogu sameeyo.

Cali Nuur ayaa dhanka kale tilmaamay in maamulkooda aan lala soo socodsiin howlgalkaan ay sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com