Sawirro: Dowlad caan ah oo dhaqaale ku bixisay tababar ku saabsan la dagaalanka argagixisada

Muqdisho (Caasimada Online)- Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ayaa tababar ku saabsan ka hortaga xagjirka iyo la dagaalanka argagixisada ugu furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan taliska ciidamada AMISOM ee Xalane.

Tababarkaan oo mudo toban maalmood soconayo ayaa waxaa maal gelisay xukuumadda Japan, iyadoo kor loogu qaadayaa hagaajinta khibrada booliska ay kula dagaalamayaan argagixisada iyo badbaadinta dadka u nugul dhibaatooyinka argagixiada sida dumår iyo caruurta sidii looga badbaadin lahaa dhobaatooyinkooda.

Xukuumadda Japan ayaa mashruucaan usoo martay xafiiska Qaramada Midoobay ee mashaariicda UNOPS. Waxaana ka qeyb galay furitaankii tababarka Taliye Ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen.Mukhtar Xuseen Afrax, iyo Tababaraha Booliska AMISOM, Kormeeraha Guud ee Booliska (SSP), Christopher Kashita.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com