Dowladda oo shacabka ugu digtay in ay u dabaal tagaan xeebta Liido

Muqdisho (Caasimada Online)- Xukuumadda federaalka Somalia ayaa shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ugu digtay in ay u damaashaad iyo dabaal tagaan xeebta Liido.

Shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee shalay ayaa waxyaabihii looga hadlay dhibaatoyin mararka qaar dadka Shacabka ah ka soo gaarta ku dabaalashada xeebta xiliyadaan oo kale oo bad tahay mid kacsan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow,ayaa sheegay in mararka qaar dad u dabaaltaga Badda ay ku geeriyoodaan, islamarkaana arintaasi ay noqotay mid soo laab laabatay.

Sidoo kale waxa uu uga digay Shacabka in ay raacaan Doomaha yar yar iyaga oo aan wadan Jaakadaha dabaasha,si aysan dhibaato uga soo gaarin hadii ay doonta la qalibanto.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in la faray doomanka in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, si aysan xilliyada baddu kacsan tahay aysan dadka doomanka saaran u qaadin.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xili ay sii kordhayeen dadka ay maalin walba Badda qaado,iyada oo shalay ugu dambeysay Xeebta liido laga helay meydka wiil yar oo ay horay Baddu u qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com