Ciidamada Ethiopia oo xabsiga dhigay wasiirka..

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay wasiirka Caafimaadka ee maamulka Jubba.

Xasan Daahir Yarow Dheere oo maamulka Axmed Madoobe ugu magacaaban wasiirka Caafimaadka ayaa lagu soo waramayaa in lagu xiray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sababta Xarigiisa ayaa la sheegayaa iney tahay inuu ka soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Axmed Madooge hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa shalay warqad uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu xilka kaga qaaday Gudoomiyaha gobolka Gedo, kaasi oo saacad ka hor ay hishiis wada saxiixdeen.

Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa dhankiisa sheegay in marnaba uusan aqbaleynin xil ka qaadista, Axmed Madoobana uusan awood u laheyn inuu falkaasi ku dhaqaaqo.

Xasan

Caasimada Online
Xafiiska Jubbooyinka
Caasimada@live.com