Shir xasaasi ah oo ka socda Villa Soomaaliya iyo beesha caalamka oo goobjoog ah + Ujeeddada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir hadda ka soconaya  Madaxtooyada Dalka  ayaa looga hadlayaa  dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Goobta Shirka waxaa ku sugan labada Guddoomiyaasha labada Gobol, Wasiirrada Dowladda federaalka ee ka soo jeeda Gobolladaas, Xildhibaanno, Wakiillo ka socda IGAD iyo AMISOM.

Munaasibadda Shirka ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Masuuliin uu ka mid yahay Madaxweynah dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud inkasta oo uusan wali iman.

Sidoo kale waxa la filayaa in shirkaasi uu ka q eyb galo wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay iyo xubno kale oo beesha caalamka ka socda.

La soco waxii kusoo Kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com