Dagaallo qaraar oo ka dhacay magaalada Marka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa bartamaha Magaalada ku toogteen Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in dilka ka dib uu goobta ka dhacay Dagaal dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo dableyda Hubeysneyd.

Dagaalkaasi ayaa waxaa ku naf waayay ku dhawaad 5-ruux oo u badnaa shacab, kuwaasi oo ku baxay rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen.

Waxaa iminka degan xaalada goobihii uu dagaalka ka dhacay, waxaana halkaasi hadda ku sugan Ciidamada Dowlada oo baaritaano wada.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Masuuliyadda dilka Askarigaas ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com