Maxaa bur-buriyay heshiiskii Doolow ee shalay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta Reer Gedo ee maalinimadii shalay Magaalada Dooloow heshiiska kula galay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe , ayaa durbadiiba ku dhawaaqay inay kasoo horjeesteen heshiiskaasi, kadib markii ay sheegeen in la qiyaaneeyay.

Siyaasiyiinta kasoo horjeestay Heshiiska ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda Federalka Somalia Maxamed Cabdi Kaliil, waxa uuna sheegay in Axmed Madoobe uu durbadiiba ka beeray Heshiiska.

Kaliil waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu yahay wax kama jiraan, waxa uuna tilmaamay in Heshiiska uusan kamid aheyn in xil ka qaadis lagu sameeyo, waxa uuna cadeeyay in Axmed Madoobe goortii uu ku laabtay Kismaayo uu ku dhawaaqay inuu xilka ka qaaday.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa tilmamay inuu shir kaga soconaayo Gobolka Gedo Siyaasiyiinta Reer Gedo, ayna soo saarayaan go’aano ku saabsan waxyaabaha heshiiska ay uga soo horjeesteen.

Dhanka kale, Khilaafka soo ifbaxay ayaa muujinaayo in Axmed Madoobe uu ku waayay Heshiiskii hordhaca ahaa oo ay isla gaaren Siyaasiyiinta Gedo, kaasi oo sabab u ah xil ka qaadista Axmed Madoobe uu sheegay inuu ku sameeyay Maxamed Cabdi Kaliil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com