Xog: Taliyihii hore ee booliska SOMALIA oo laga qaaday xilkii ugu dambeeyay ee uu u hayay DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xogagaal ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Golaha wasiiradda ay ansixiyeen xubin cusub oo badalaya Taliyihii hore ee Booliiska Somalia Shariif Sheekhuunaa.

Xubinta Sheekhuunaa laga qaaday ayaa aheyd golaha adeegga Garsoorka oo ay horey u ansixiyeen wasiiradda.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in bedelka lagu sameeyay Sheekhuunaa uu yahay kadib markii leysla gartay in Sheekhuunaa uu yahay shaqsi dhaafay da’dii sharciga ahayd ee lagu shaqeynayay, isaga oo gaaray da’da gaboowga, sida laga soo xigtay Xubno ka tirsan Xukuumada Somalia.

Xukuumadu waxa ay si aqlabiyad ah u ansixisay Mas’uulka lagu bedelay Sheekhuunaa oo isagu ka talaabay da’dii loogu tallo galay kamid ahaanshiyaha Xubinimada Golaha Adeegga Garsoorka.

Golahaani ayaa tirro ahaan ka kooban 9 xubnood, waxaa hadda magacaaban 7 xubnood, labada maqan waa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga oo aanan wali la dhisin iyo Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo aanan isna la dhisin.

Golaha Adeegga Garsoorka ayaa xiligaani kaalimaha koowaad kaga jirta Hay’adaha ugu sareeya dalka waxaana xusid mudan inuu kamid yahay Xeer Illaaliyaha Guud iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Dhanka kale, Xubnaha iminka dhisan ayaa awood buuxda u leh inay qaab sharci u dhisaan Maxkamad Dastuuriga ah, taasi oo noqoneysa tan lagu kala bixi doono marka la’isku qabto qodob dastuuri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com