Goorta uu furmayo SHIRKA dhismaha maamulka Shabellah Dhexe iyo Hiiraan oo lagu dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta shir ay ka qeyb galeen xubnaha ugu sareeyo dowlada Soomaaliya uu ka furmay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay qaabka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirka waxaa furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana goobjoog ahaa wasiiro ka koobaan 11 wasiir oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe, Beesha Caalamka iyo gudoomiyaasha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiiro ka kooban 11 aya saxiixay in maamul rasmi ah loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana sidoo kale dhinacooda wax ka saxiixan hishiiskaasi gudoomiyaasha Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odowaa, ayaa ku dhawaaqay in 1 Septembar uu furmayo shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe, waxaana uu shaaciyay in Bilowga December howshaasi laga soo faraxalan doono.

Dhanka kale waxaa khilaaf culus uu ka taagan yahay halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo labada gobol waxaana labada gudoomiye ay ka hadleen arimahaasi.

Gudoomiyaha Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa ku dhawaaqay in shirka lagu qabanayo Beledweyne, halka gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe uu ku dhawaaqay in shirkaasi lagu qabanayo Jowhar, waxaana taasi ay dhalineysaa khilaaf curdun ah oo ka taagan halka shirka lagu qabanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com