Wasiirada DF Somalia oo Faarax dartiis la isugu shaandheynayo & Puntland oo la xaal-marinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sameyn doono isku shaandheyn cusub, waxaana ujeedka ugu weyn uu yahay Faarax Cabdulqaadir.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in is-beddelada cusub ee xukuumadda Somalia ay dhici doonaan, si Faarax Cabdulqaadir oo horey uu baarlamanka u diiday dib loogu soo celiyo golaha wasiirada.

Sida xogtan ay leedahay Faarax ayaa waxaa loo magacaabi doonaa xilka wasiirka caddaaladda iyo garsoorka ee uu horey u hayey, waxaana xilkaas laga qaadi doonaa Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir, oo deegaanada Puntland kasoo jeeda. Ilka-Jiir ayaa waxaa loo wareejin abaanduulaha ciidamada xoogga Somalia.

Arrintan ayaa imaneysa markii madaxweynaha Puntland uu sheegay in ciidamada Puntland ay qlaab iyo caawimaad badan uga baahan yihiin dowladda Somalia, waxaana ay u muuqataa in magacaabista Ilka-Jiir ay tahay mid Xasan uu ugu daneynayo Puntland.

Haddii Ilka-Jiir loo magacaabo abaanduulaha ciidanka xooga, waxa uu gacanta ku dhigi doonaa dhammaan agabka iyo dhaqaalaha ciidanka, oo markaas uu u wareejin doono dhanka Puntland, sida looga bartay madaxda Puntland ee u shaqa taga xilalka dowladda federaalka ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com