Siyaasiyiintii reer Gedo ee Doolow ku sugnaa oo ay ciidamada Ethiopia xabsi ku wada gurtay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Doolow, ayaa sheegaya in la xiray Siyaasiyiintii maalinimadii shalay heshiiska la gashay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubno ka tirsanaa Maamulkiisa.

Siyaasiyiintaani ayaa la soo warinayaa in goordhow lagu xakumay Xabsi guri, waxa ayna dad goobjoogayaal ah kusoo waramayaan in xiliga amarka uu ku dhacay Mas’uuliyiintaasi ay ku sugnaayen Hoteel ku yaalla Magaalada Doolow.

Siyaasiyiinta Xabsi guriga lagu riday ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed Cabdi Kaliil , Max’ud Sayid Aadan iyo Aw Libaax waxaana xiray Ciidamo ka tirsan Dowlada Ethiopia.

Ilo wareedyo ku sugan Doolow ayaa soo wariyay in Siyaasiyiintaan loo diiday in ay u soo tallaabaan Doolow Somalia amaba ay ka baxaan Hoteelka ay iminka ku xaniban yihiin.

Sababaha xabsi guriga looga dhigay Siyaasiyiinta ayaa la sheegay in ay tahay kadib markii ay diideen in ay aqoonsadaan Maamulka Cusub ee Axmed Madoobe uu u Magacaabay Gobolka Gedo.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa Heshiiskii uu la gaaray Siyaasiyiinta Gedo kadib soo saaray Digreeto uu ku Magacaabay guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo isagoona u Magacaabay Axmed Buule Max’ed guddoomiyihii hore ee degmada Luuq.

Shalay ayay Caasimada Online sii sheegtay in siyaasiyiinta reer Gedo xabsi ama Axmed Madoobe raaca lagu yiri. Halkan ka aqri

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com