Document: Maxaad ka taqaan ragga leh Soma Oil and Gas iyo saamigooda + XASAN SHEEKH oo…

Muqdisho (Caasimada Online) –  Caasimadda Online oo sameysay baaritaan dheer oo ay ogaanay in Shirkadda SOMA OIL aa ka kooban tahay seddex (3) qeybood ama seddex shirkadood. Waxaa wax lala yaabo ah in kheyraadkii saliidda badaha Soomaaliya loo gacan geliyay hal shirkad oo ay dowladda Somalia la saxiixatay heshiis.

Sida ku cad documentigan ay heshay Caasimada Online, waxaa saddexda shirkadood ee leh Soma Oil and Gas ay kala yihiin:-

  1. SOMA OIL & GAS EXPLORATION LIMITED
  2. SOMA OIL & GAS HOLDING LIMITED
  3. SOMA OIL MANAGEMENT

Haddaba, waa ayo saamileyda shirkaddan? Sideesa loo kala leeyahay.

Milkiilayaasha shirkadda ayaa waxaa ka mid ah Xasan Kheyre oo ah Saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh. Saamiga uu ku leeyahay Xasan Kheyre ayaa ah adduun dhan $2 Milyan oo dollar. Xasan Kheyre oo ahaa madaxii hore NRC (Norwegian Refugee Counsil) ayaanan ilaa hadda la ogeyn halka uu ka keenay lacagtan uu saamiga SOMA OIL ku galay, inkastoo dadka qaar aay isla dhex marayan in lacagta ay ka timid dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna Xasan Kheyre isaga wakiil u yahay.

Shareholders (Top 20 names shown) Number of Shares (at Value) Share Type Ownership (%)

  1. ROBERT ALLEN SHEPPARD 2,000,000(at £1.0E-6) ORDINARY 1.10
  2. HASSAN KHAIRE 2,000,000 (at £1.0E-6) ORDINARY 1.10 (EX NRC HORN OF AFRICA DIRECTOR)
  3. KALYRA INVESTMENTS LTD 10,000,000(at £1.0E-6) ORDINARY 5.51
    4.  MICHAEL HOWARD OF LYMPNE CH 7,000,000 (at £1.0E-6) ORDINARY 3.86
    5.  DOMA INVESTMENT HOLDINGS LTD 1,000,000 (at £1.0E-6) ORDINARY 0.55
    6.  PHILIP EDWARD CHARLES WOLFE 1,500,000 (at £1.0E-6) ORDINARY 0.83
    7.  WINTER SKY INVESTMENTS LTD 67,500,000 (at £1.0E-6) ORDINARY 37.19
    8.  SOMA OIL & GAS LTD 66,500,000 (at £1.0E-6) ORDINARY 36.64
    9.  AFROEAST ENERGY LTD 24,000,000 (at £1.0E-6) ORDINARY 13.22

Si kale haddii aan u eegno cidda iska leh:

  1. 37.19%: Russian Billionair oo iska leh: WINTER SKY INVESTMENTS LTD 67,500,000,
  2. 36.64% Soma Oil and Gas- Washington and London,
  3. 13.22% AFROEAST ENERGY LTD (Cidda iska leh weli waa raadinaynaa),
  4. 6.92%  Some members of the board of directors,
  5. 5.51%–  KALYRA INVESTMENTS LTD (weli waa raadinaynaa cidda iska leh).
  6. 0.55%–  DOMA INVESTMENT HOLDINGS LTD
  7. Total 100.03%.

Halkan hoose ka aqriso macluumaadka shirkadaha iyo documents-ka aan helnay

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/08/SOMAOILANDGASEXPLORATION.pdf”][pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/08/SOMOILGASHOLDING.pdf”][pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/08/SOMMANAGMENT-Accounts-08619760.pdf”]