Xog ka cusub wasiirkii ay xireen ETHIOPIAN-KA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Xariga ay Ciidamada Ethiopia u geysteen Wasiirka Caafimaadka Maamulka Jubbaland Xasan Daahir Yarow (Xuseen Dheere).

Ciidamada Ethiopia oo xiray Mas’uulkaasi ayaa waxa ay goordhow dib xoriyadiisa ugu celiyeen Wasiirka kadib markii uu dib uga laabtay go’aankii uu kaga soo horjeestay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Xuseen Dheere ayaa waxaa maalinimadii shalay xiray Ciidamada Ethiopia kadib markii uu qaadacay Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa uuna xarigaasi ku muteystay kadib markii uu Madasha ka shaaciyay inaan suuragal aheyn in Axmed Madoobe uu si sahlan xil ka qaadis ugu sameeyo Gudoomiyaha.

Deysmada Wasiirka ayaa waxaa iminka ka danbeeyay Odayaal iyo Xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland oo iyaga si damiin ah kusii daayay Wasiirka, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Wasiirka uu u goodiyay Axmed Madoobe deysmadiisa kadib.

Xuseen Dheere ayaa laga cabsiqabaa in dib loogu celiyo Xabsiga, waa hadii uu kusii adkeysto Hanjabaadaha uu hawada u mariyay Hogaamiyaha Maamulka Jubba, taasi oo ka dhalatay xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Geesta kale, Axmed Madoobe ayaa daqiiqado ku burburiyay Heshiiskii ka koobnaa 5-ta qodob ee uu la saxiixday Siyaasiyiinta Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com