Nabaddoon maanta gurigiisa laga afduubtay..!!!

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi laga afduubtay nabadoon caan ahaa oo ku sugnaa gurigiisa, sida ay xaqiijiyeen ehelka nabadoonka.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka laga kaxeystay gurigiisa Salaadii Cisho ee xalay kadib markii kooxo hubeysay ay weerar ku qaadeen hoyga uu ka degan magaalada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Garaad Xasan Cigale oo ay qaraabo yihiin Nabadoonka ayaa u sheegay Warbaahinta in Rag hubeysan oo watay Gaari Dagaal ay guriga u soo dhacen , kadib ay Nabadoon Axmed Maxmuud Cigale waten.

Axmed Maxamuud Cigale “Axmed Dhuuncadde”ayaa xiligii Dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed soo noqday Guddoomiyaha Degmada Walaweyne ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ilaa hada ma jirto cid la og yahay in ay ka danbeyso Afduubka Nabadoon Axmed Maxamuud Cigale “Axmed Dhuuncadde”iyo halka lagu hayo intaba

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com